Somali videos
Welcome
Login / Register

Ahmed Cali Cigaal - Walaasheey Gacalisooy Hees Kaban Macaan with Lyrics

Thanks! Share it with your friends!

URL

You disliked this video. Thanks for the feedback!

Sorry, only registred users can create playlists.
URL


Added by afaaro in Somali Music
1 Views

Description

Lyrics:

Walaashay gacalisooy,
Aakhiro wehel lama ahoo,
Wakiil laysuma noqdoo,
wacaal laysuma haye,
walaashay gacalisooy,

Intay wada noolyihiin,
Hadaay laba waajibiyo,
Xaq wayn isku leenahoo,
waxuun Ifka laysu taro,
Cad iyo Jiidh wada dhashoo,
Wadaaga naftaynu nee,
Walaashay Gacalisooy,

Anigu waagi baryaaba,
Wanaagaagaan jeclahay,
Wadeecaan kula necbahay,
in cadaw kugu wiirsadoo,
Marnaba aad wiiqantiyo,
War iyo ceeb kulama rabo,
Walaashooy gacalisooy,
Walaal nimadeeniyo,
Jacayl wadankaa lehoo,
wadnahu wadar kamadhexeeyo ahe,
waheey isagana ka waa.

Walaashay gacalisooy,
wadada khayr towbadiyo,
wacane dhaqankiyo hidaha
ilaah hayna waafajee,
walaashay gacalisooy,

wiil iyo caanaba noqee,
waxbaan kuu sheegayaa,
adduunyadu waa wilwilad,
hijradu waa kala wareeg,
wacdaro baaxadagiyo,
walayl baa lagu jiraa,
walaashay gacalisoooy,

Anigu waagi baryaba,
Wanaagaagaan jeclahay,
Wadeecaan kula necbahay,
in cadaw kugu wiirsadoo,
Marnaba aad wiiqantiyo,
War iyo ceeb kulama rabo,
Walaashooy Gacalisooy,
Walaal nimadeeniyo,
Jacayl wadankaa lehoo,
wadnahu wadar kamadhexeeyo ahe,
waheey isagana ka waa.

Post your comment

Sign in or sign up to post comments.

Comments

Be the first to comment
RSS